Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mohamed Abbi Hassan
ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Dalladaha Waxbarashada iyo Guddoonka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed kulanka ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa cudurka Covid 19 oo mar labaad soo labakacleeyay.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Wasiiradda looga hadlay saameynta uu Bulshada ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Covid 19.
Iyada oo la fulinayo amarka madaxda Sare ee Qaranka Waxaa guud ahaan bahda Waxbarashada la farayaa in ay raacaan farriimaha iyo wacyigelinta Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.