Muqdishu:- Wasaaradda waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Somalliya iyo hey’adda CARE Internatonal ayaa magaaladda Muqdishu ku kala saxiixday mashruuca loo yaqaano wax bar caruurtaada (Educate your Children),oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Waxbarshadda iyo Hey’adda CARE, kaasi oo kordhin doona tirada ardayda Somaaliyeed ee aadaya goobaha waxbarshadda lana qorsheeyay in lagu kordhiyo caruurta hadda waxbarata tiro gaareysa 57000 oo arday.
Mashruucaan ayaa waxaa wasaaradda waxbarshadda u Saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta XFS mudane Maxamed Caabi Xasan iyo maamulaha mashaariicda waxbarshadda, hurumarinta ee Hey’adda CARE International u qaabilsan Somaaliya mudane Ibraahim Maxamed Nuur, inta uu socdo mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaya Educate a child of Qatar Foundation ee Dowladda Qatar oo soo marsiisay hey’adda CARE International.
agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda ayaa madasha lagu saxiixayay heshiiska ka sheegay in Wasaaradda Waxbasrhada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  DFS ay ka go’an tahay in caruurta Somaliyeed ay helaan waxbarshaddda As-aasiga ah iyo Manhaj korinaya maskaxda ubadka Somaaliyeed.
>>>>>Dhamaad<<<<<
+3