Muqdishu:- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare DFS ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabo-gabeysay kulan wada-tashi labo maalmood ah kaasi oo looga doodaayay warbixinta falanqeynta Waxbarashada (Education Sector Analysis 2018 – 2020), ayna ka soo qayb galeen madaxda, hawl-wadeenada iyo la taliyeyaasha Wasaaradda, Agaasinka Waxbarshadda Gobalka Banaadir, Jaamacadaha, Midowga Dalladaha Waxbarashada iyo hay’adaha taageera Waxbarashada.
Labadii maalmood ee uu kulanku socday waxa ayaa waxaa ka qayb galayaasha Ka doodeen ayaga oo koox-koox qaybaha ay ka kooban tahay warbixinta sida (1) Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka (2) Tirakoobka Xogta Waxbarashada dalka (3) Maal gelinta Waxbarashada (4) Tayada Waxbarashada (6) Awoodda hay’adeed ee maamulka Waxbarashada dalka.
Ka qayb galayaasha kulanka ayaa waxay sameeyeen talo bixin iyo fikrado wax ku ool ah, kuwaasi oo lagu biirin doono warbixinta qabyo-qoraalka ah.
Warbixintaan marka lasoo geban-gabeeyo, ayna ansixiyaan dhammaan bahwadaagta Waxbarashada dalka ayaa waxa ay Wasaaradda Waxbarshadda, Dowladda Federaalka Somaaliya ay billaabeysaa diyaarinta Qorshaha 3aad ee Horumarinta Waxbarshada dalka, iyadoo la eegaayo baahiyaha iyo caqabadaha dhanka waxbarashada ee warbixinta, falanqeynta lagu soo bandhigay.
>>>>>Dhamaad<<<<<