Muqdishu:- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane. Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji  ayaa ka qeyb galay munaasabad  Dowlad Qatar ay buugaag   ku dhigaysay   xarunta dhexe ee Maktabadda Qaranka ku leedahay magaaladda Muqdishu  ayna kasoo qeyb galeen marti sharafeed ay kamid yahiin Wasiiro ka tirsan  Xukuumaddda Federaalka  Somaaliya, Safiirka Dowladda Qatar u jooga Somalia.

Wasiirka Waxbarshadda oo hadal ka jeediyay Munaasabda ay Dowladda Qatar ku wareejineysay buugabta  Maktabada Qaranka ayaa sheegay in ay muhiimad balaaran ugu fadhiso guud ahaan bahda Waxbarshada in loo helo buugag la aqristo Xarunta Dhexe ee Maktabda Qaranka  maadaama buugagta la dhigayo ay ku qoran yahiin Cilmi muhiim ah ayna u baahan yahiin bahda qorayaasha Somaaliyeed.

Buugagtaan la dhigay Xaarunta Maktabada  Qaranka ayaa waxaa la filayaa in ay yareeyso  baahida ay u qabto Maktabu geyd Buugag oo ku filan.