Muqdishu:- Wasiirka Wasaardda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumada Federaalka Somaaliya  Mudane Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabduulahi Carab ayaa kormeeray Xarunta iskuul boliisiya oo uu ka socdo sixista Imtixaanka fasalka 12aad ee 2020-2021  waxaanu Warbixin ka dhageystay agaasimaha Imtixanaadka iyo Guddigga Loo xilsaaray habsi u socodka howlaha sixista Imtixaaanka.

Wasiirka Waxbarshadda ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda waxaana ay warbixin wada jir ah ka dhageysteen agaasimaha Imtixinaadka iyo guddiga sixitaanka imtixaanka kuwaasi oo mudadii todobada sana aheyd ee u danbeysay ka shaqeynayay sixitaanka Imtixaanka, is xog wareysi kadib wasiirka ayaa uga mahad celiyay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan asigoona kula dardarmay macaliminnta saxaysa Imtixaanka in ay masuuliyad iska saaraan sidii ay ugu Cadaalad sameyn lahaayeen Ardayda Somaaliyeed ee loo Wakiishay in ay masuul ka noqdaan sixista imtixaankooda iyo mustaqbalka ardayga Soomaaliyeed ee soo dadaalayay mudada dheer.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa u mahad celiyay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed doorki ay ka qaateen Nabad gelyada Imtixaanka iyo sidoo kale adeegsiga xarunta Jenaraal Kaahiye oo ay Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u adeegsaneysay sixista Imtixaanka mudda Todoba Sano ah (7Sano) ah.

>>>>Dhamaad<<<<<