Muqdishu:- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare waxa ay maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan lagu dhameystirayo, laguna ansixinayo warbixinta falanqeynta Xogta Waxbarashada dalka (Education Sector Analysis – ESA 2018-2020), kaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Waxbarashada heer federaal iyo Dawlad goboleed iyo Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare DFS mudane Maxamed Caabbi Xasan oo kulanka furay ayaa uga mahad celiyay ka qayb galayaasha inay shaqooyinkooda muhiim ahaa uga soo tageen si ay kaga qayb galeen kulanka dhameystirka warbixinta, wuxuuna kula dardaarmay in si qoto dheer loo darso qaybaha ay ka kooban tahay warbixinta iyo waxyaabaha lagu soo ogaaday (key findings), kuwaasi oo udub dhexaad u noqon doona diyaarinta Qorshaha Horumarinta Waxbarashada muddada 5ta sano ee soo socota.
Shirkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa dib-u-eegis iyo dhameystir loogu sameyn doonaa cutubyada warbixinta, si loo hubiyo in lagu daray talooyinkii ka soo baxay kulamadii wada-tashiga ee lagu qabtay Gobolka Banaadir iyo Dawlad goboleedyada dalka.
>>>>>Dhamaad<<<<<