Muqdishu:- Waxaan markale hambalyo u direynaa dhamaan ardayda ka gudubtay Imtixaanka mideysan ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, waxaana la qeybsaneynaa ceyska ardayda eysan u suurta gelin in ay ka gudbaan Imtixaanka balse dadaalay wakhti badana soo bixiyay.
Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa guud ahaan bahda Waxbarshadda oo muujiyay dadaal dheer waxaana ku guuleysanay sanadkaan in ay yaraato tirada ardayda ee hartay oo ah 13% halka Sanadkii hore ay aheyd 25% waxaan u rijeyneynaa ardayda Somaaliyeed Mustaqbal Wanaagsan.