Muqdishu:- Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS inj Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab, ayaa khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Horumarinta Waxbarshadda Caalamka, kaas oo Sanadkaan lagu qabtay Magaaladda London Caasimadda Dalka Ingiriiska.
Wasiirka Waxbarshadda ayaa khubadiisa uga warbixiyay horumarinta ay ka samaysay Soomaaliya tayeynta, horumarinta Waxbarshadda iyo fulinta Mashaariic lagu guuleystay hirgelintooda, ayada oo la kaashanayo Beesha Caalamka ee taageerta arrimaha Waxbarshadda Soomaaliya. ayna ugu horeyso “Global Partnership for Education” (GPE) iyo Dowladdaha Caalamka ee Deeq-bixiyaasha dhanka Waxbarshadda ah.