WAAXDA XIRIIRKA CAALAMIGA AH IYO DEEQAHA WAXBARASHADA

Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Deeqaha Waxbarashada ayaa waxa ay u xil saaran tahay raadinta, daba-galka iyo fududeynta xiriirro ama heshiisyo waxbarasho iyo dhaqan ee lala yeesho Wasaaradaha Waxbarashada ama Hay’adaha Tacliinta ee dalalka Caalamka. Waxa ay sidoo kale Waaxdu masuul ka tahay raadinta iyo maareynta Deeqaha Waxbarasho iyo diyaarinta ardayda ka faa’iidaysanaysa Deeqaha Waxbarashada.

Waaxdu waxa ay ka kooban tahay:-

  1.  Qaybta Xiriirka Caalamiga iyo
  2.  Qaybta Deeqaha Waxbarashada.

 

  1. Qaybta Xiriirka Caalamiga ah

Qaybta Xiriirka Caalamiga waajibaadkeeda shaqo waxaa ka mid ah:

    1. Abaabulidda, maamulidda iyo hogaaminta iskaashiyada labada dhinac iyo kuwa caalamiga ee ka dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare iyo Hay’adaha Waxbarashada caalamka.
    2. Fududeynta iyo isku xirka safarrada shaqo ee Madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ku bixinayaan dalalka caalamka.
    3. Soo jeedinta, howlgalinta iyo la socodka wakiillada dhaqanka iyo waxbarashada (Cultural attaches) ee loo magacaabayo safaaradaha Soomaaliya ee dalalka caalamka.
    4. Isku xirka iyo la socodka Guddiyada Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalalka caalamka.
    5. Ka warheynta, taakuleynta iyo xallinta caqabadaha ardeyda Soomaaliyeed ee waxka barata jaamacadaha ku yaalla caalamka.
    6. La socodka iyo dhiira-gelinta Bandhigyada dhaqanka (Cultural Show) oo ay ardayda Soomaaliyeed ka sameeyaan dalalka ay wax ku baranayaan.

 

2. Qaybta Deeqaha Waxbarashada

  1. Dejinta iyo fulinta Hab-raac ku saabsan maareynta Deeqaha Waxbarashada Gudaha iyo Dibadda.
  2. Maamulka iyo maareynta Deeqaha Waxbarashada Gudaha iyo Dibadda
  3. Raadinta Deeqo waxbarasho ee dalalka dibadda oo ku salaysan baahida dalka.
  4. Qaybinta deeqaha waxbarashada si ku dhisan caddaalad iyo daah-furraan.
  5. Diyaarinta iyo ambabixinta ardayda ka faa’iidaysanaysa Deeqaha Waxbarashada
  6. La socodka iyo ka warheynta ardayda Deeqaha Waxbarashada ka hela Gudaha iyo Dibadda.

 

HAY’ADAHA WADA-SHAQEYNTA LA LEH WAAXDA

 

 

UNESCO: Waa Ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada,  Dhaqanka iyo Culuumta. Soomaaliya waxa ay ku biirtay 15/11/1960. Xaruntiisa Waa Paris, France.

 

 

 

ALECSO (Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization) waa Ururka Waddamada Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuunta. Waa urur ay ku mideysan yihiin Wadamada Carabta oo hoos taga Ururka jaamacadda Carabta. Ururka waxaa la aas-aasay 25/07/1970.  Xaruntiisa waa Tunis ee dalka Tunisia.

 

 

ISESCO (Islamic Education Scientific and Cultural Organization: Waa Urur u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuunta. Waa Urur ay ku mideysan yihiin 52 Dawladaha Islaamka. Waxaa la aas-aasay May, 1979. Xaruntiisa Waa Rabat ee Dalka Morocco.

 

 

WAKIILADA WAXBARASHADA & DHAQANKA IYO DALALKA AY JOOGAAN

NO MAGACA WADDANKA
1 Nasra Maxamed Axmed Sudan
2 Jaamac Caarshe Dhiif Maxamed Yemen
3 Cabdi Xalane Xersi South Africa
4 Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan Turkey
5 Cabdilatif Xuseen Maxamed Saudi Arabia
6 Cali Baashi Maxamed Shuuriye China
7 Abdikarim Mohamed Abdullahi Ethiopia
8 Amal Maxamed Siciid India
9 Axmed Siciid Yuusuf Uganda
10 Mohamud Mohamed Abdulle Masar
11 Ibrahim Mohamed Omar Masar (Ku-xigeen)
12 Abdikani Abdullahi Waayeel France
13 Badri Hussein Sandhool Malaysia

 

DAWLADAHA DEEQAHA WAXBARASHADA SIIYA SOOMAALIYA

# DALKA NOOCA DEEQDA WAXBARASHADA
1 India Dhameystiran (Full Scholarship)
2 China Dhameystiran (Full scholarship)
3 Russia Aan dhameystirneyn (Partial Scholarship)
4 Egypt Aan dhamaystirneyn (Partial Scholarship)
5 Sudan Aan dhamaystirneyn (Partial Scholarship)
6 Ethiopia Bachelor (Full scholarship) Master (Partial Scholarship)
7 Saudi Arabia Dhameystiran (Full scholarship)

 

Warbixin dheeraad ah la xiriir:

Waaxda Xiriirka Caalamiga & Deeqaha Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare

KM5 Afgoie Rd, Mogadishu, Somalia

Telephone: 252613061965

Email: scholarship@moe.gov.so