Waaxda Dugsiyadu waxay u qaabilsantahay wasaaradda ilaalinta, kormeerida, u warhaynta baahiyaha dugsiyada iyo ku hagida siyaasada wasaaradu u dajisay in lagu wado dugsiyada Dowlada.

Waaxdu waxay ka koobaantahay  afar qaybood oo kala ah.

  1. Qaybta Dugisyada
  2. Qaybta Baahiyayaha gaarka ah
  3. Qaybta Genderka
  4. Qaybta Waxabarashada Degdega ah

Shaqada Waaxda Dugsiyada

  • Dib u fiirinta iyo dhaqangalinta xeer nidaamiyaha dugsiyada
  • Dejinta hab raac rukhsad lagu siiyo dugsiyada gaarka loo leeyahey
  • Maamulka iyo maareynta dugsiyada
  • Xiirinta waaxyaha kale ee WWHTS iyo dugsiyada
  • Ka war haynta iyo tirakoobka joogtoda ah ee dugsiyada.
  • Ka qayb-qaadashada xog aruurinta EMIS
  • Tayeynta waxbarashada dugsiyada
  • Baahinta waxbarashada asaasiga.
  • Hawl gelinta maamulka iyo macallimiinta
  • Ka talo bixinta Tababarrada Macallimiinta.
  • Ka qayb-qaadashada, dejinta, ilaalinta iyo soosaaridda imtixaanaadka guud.
  • Xallinta cabashooyinka dugsiyada
  • Dhaqan galinta sharciyada, siyaasadaha iyo xeerarka loo dejiyey dugsiyada
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.