Fariinta Wasiirka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay dadaal xoog leh gelisay una taagan tahay mar walba in tayada waxbarashada dalka ay sarreyso, si loo helo adeeg waxbarasho oo loo simanyahay, tayo leh, hufan oo heer caalami ah.

Sannadihii u danbeeyay waxaan sameynay qorsheyaal iyo istaraatijiyad aan mudnaanta kusiinnay horumarinta waxbarashada dalka oo ku qotonta aragti ka fog waqtigan maanta la joogo oo sawiran karta mustaqbal aad u wanaagsan taasoo ku saleysan halka uu dalku hiigsanayo mustaqbalka iyo in la helo ubad iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo leh aragti nabad, xasilooni iyo afkaar talo-wadaag. .

Waxaan rajeynayaa in waxbarashada noqoto furaha horumarka dalka, soona saarta ubad iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka iyo dadkooda u horseeda midnimada iyo horumarka, isla markaana xaqiijiya hiigsiga qaran ee waxbarashada dalka.