Wasaaradda Waxbarashada ,Hiddaha iyo Taclinta sare

Mandate

The mandate of the Ministry of Education, Culture & Higher Education is to ensure that a viable system is in place to promote quality education and training for all citizens.

Hiigsiga

Nidaam waxbarasho oo horseeda wadajir bulsho, waddaniyad, caddaalad, nabad iyo horumar waara.

Himilada

Wasaaradda waxaa ka go’an dejinta iyo taabba-galinta nidaam waxbarasho oo lagu hagayo shuruuc, laguna qotomiyey adeeg waxbarasho oo tayo leh, la heli karo loona siman yahay.

Hadafka

In Wasaaraddu bixiso nidaam waxbarasho loo siman yahay, kaa oo awood u siinayaa ardayda oo dhan helitaanka waxbarasho aasaasi oo lacag la’aan ah iyo waxbarasho oo tayo leh, khasabna ah. Taas oo ay ku xigto fursad uu qofku ku sii wato waxbarasho u socota inta uu noolyahay ,kor u qaadidda awoodda shakhsiyadeed, ka qayb qaadashada horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqan-dhaqaale iyo la tartamidda adduunyada inteeda kale.