Hidaha & Hey’adaha Tacliinta Sare

Horudhac

Waaxda  Hiddaha & Tacliinta sare, waxay lafdhabar u tahay hirgelinta ujeedooyinka qaran ee ku aadan Tacliinta sare, Hiddaha  Dhaqanka  & Cilmi-baarista.

Qorsho- howleedka sanadkan 2019 waxaa uu xoojinayaa:-

  • Dejinta Siyaasadaha Xeerarka, Nidaamiyayaal hormarinaya Tacliinta Sare, Cilmi-baarista.
  • Aasaasidda Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare. Iyo tababarkooda.
  • Ka shaqaynta shuruucda dhawridda Hiddaha Ummadda
  • Kormeerka jaamacadaha iyo Tayeyntooda
  • Qabashada tababarada kor looga qaadaayo aqoonta shaqaalaha Waaxda
  • Tababarada jaamacadaha gaar ahaan ilaalinta taya dhawrka.
  • Ka qeybgalka shirarka looga hadlaayo Tacliinta Sare gudaha iyo dibedda.
  • Ka qeybgalka shirarka Kor loogu qaadaayo Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ujeedada Waaxda

Hadafka Waaxdu waa in la abuuro jawi sare u qaadaya horumarka waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo dhaqanka si loo gaaro horumar dhaqan-dhaqaale. Waxaan dooneynaa inaan hadafkaas ku gaarno:

  • In la ilaaliyo, lana horumariyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed
  • In la taageero horumarinta iyo baahinta waxbarasho sare oo tayo leh, isla markaana jaban.
  • In la abuuro dhaqanka cilmi-baarista si loo abuuro shaqooyin iyo horumar dhaqaale.

 

Waajibaadka Waaxda

Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilka iyo waajibaadka hoos ku xusan:

  • Dejinta, horumarinta iyo dhaqan-gelinta Siyaasadda Tacliinta Sare.
  • Daba-galka heshiisyadii horay loo galay iyo raadinta kuwo cusub
  • Soo-jeedinta shuruucda khuseysa howlaha Waaxda
  • Diyaarinta iyo soo-bandhigidda warbixin xilliyeed joogta ah ee ku aaddan howlaha Waaxda.
  • Soo-jeedinta nidaam iyo shuruuc lagu hubinayo tayada, laguna horumarinayo machadyada iyo jaamacadaha.
  • Dhiirrigelinta iyo horumarinta cilmi-baarista aqooneed ee jaamacadaha.
  • Qiimeynta shahaadooyinka jaamacadaha iyo machadyada sare.
  • Baahinta tacliinta sare.
  • Horumarinta xiriirka jaamacadaha dalka iyo dibedda.
  • Abuurista xarumo cilmi-baariseed oo casri ah.
  • Xoojinta xiriirka iskaashi ee hay’adaha Hiddaha ee Caalamiga ah iyo kuwa goboleed.

 

QAABDHISMEEDKA WAAXDA TACLIINTA SARE IYO HIDDAHA ;

AGAASINKA  HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE

Qaabdhismeedka Agaasinku waa sida soo socota:

A: Agaasimaha Waaxda

  • Madaxa Qeybta Tayo Dhawrka : waxaa hoos yimaada
  1. Qeybta Hubinta iyo Tasdiiqinta Shahaadooyinka jaamacadaha iyo Macaahida.
  2. Qeybta Cusbooneeysiinta iyo Diiwaangelinta Jaamacadaha

 

  • Madaxa Xiriirka Jaamacadaha iyo Hay’adaha Tacliinta Sare
  • Madaxa Qeybta Cilmi Baarista
  • Madaxa Qeybta Hiddaha iyo Dhaqanka