1.      Waaxda Manaahijta & Tayo-dhowrka

  • Dejinta iyo dhaqan galinta xeer nidaamiyaha Manaahijta iyo Tayo-dhowrka
  • Soo saarista manhajka iyo Muqarrarka
  • Dejinta nooca criteria-da buugaagta muqararka
  • Dabo galka iyo hubinta muqararka.
  • Abuurista halbeegga dhigista iyo baridda.
  • Dejinta qaab tayada lagu beego, laagu ilaaliyo laguna dhaqan galiyo
  • Dhisidda tayada kormeereyaasha
  • Kormeerka goobaha iyo hey’adaha waxbarashada
  • Ka talo bixinta tayada iyo nidaam-raacida hey’adaha waxbrashada
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

2.      Waaxda Dugsiyada

  • Dib u fiirinta iyo dhaqangalinta xeer nidaamiyaha dugsiyada
  • Dejinta hab raac rukhsad lagu siiyo dugsiyada gaarka loo leeyahey
  • Maamulka iyo maareynta dugsiyada
  • Xiirinta waaxyaha kale ee WWHTS iyo dugsiyada
  • Ka war haynta iyo tirakoobka joogtoda ah ee dugsiyada.
  • Ka qayb-qaadashada xog aruurinta EMIS
  • Tayeynta waxbarashada dugsiyada
  • Baahinta waxbarashada asaasiga.
  • Hawl gelinta maamulka iyo macallimiinta
  • Ka talo bixinta Tababarrada Macallimiinta.
  • Ka qayb-qaadashada, dejinta, ilaalinta iyo soosaaridda imtixaanaadka guud.
  • Xallinta cabashooyinka dugsiyada
  • Dhaqan galinta sharciyada, siyaasadaha iyo xeerarka loo dejiyey dugsiyada
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

3.      Waaxda Qorsheynta & Miisaaniyada

  • Dejinta siyaasada ee guud waxbarashada.
  • Horseedka dejinta siyaasadaha waaxaha wasaaradda
  • Dejinta iyo howlgalinta qorshaha wasaaradda
  • Dejinta miisaaniyadd  a guud ee wasaaradda
  • Raadinta ilo dhaqaale oo qorshaha maaliyada lagu fuliyo
  • Horumarinta Xog-uruurinta (EMIS) iyo howlgalintiisa
  • Dabagalka, ilaalinta iyo horumarinta hantida ma guurtada ah ee Wasaarada
  • Soo saaridda cilmi baaris tayo leh oo u adeegta waxbarashada qaranka
  • Hirgalinta qaab lagu dhiirri-galiyo, laguna taakuleeyo waxbarashada gabdhaha. Ula shaqeynta waaxaha
    wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

4.      Maamulka iyo Maaliyadda

  • Qorista iyo dajinta qaabdhismeedka siyaasadda lagu maamulayo adeegyada maaliyadeed ee waaxda
  • Qorista iyo dejinta qaabdhimeedka siyaasadda adeegyada maamul ee waaxda
  • Hubinta dhaqangalinta qaabdhimeedka siyaasadaha kor ku xusan
  • Ka talobixinta dejinta miisaaniyadda wasaaradda.
  • U maamulidda Miisaaniyadda si waafaqsan nidaamka dowladda iyo xeernidaamiyeyaasha Wasaarad da.
  • Dhaqan galinta qaab xisaabaad (accounting) oo ilaaliya, fududeeya, kuna xiran xisaabaadka dowladda
  • Maamulidda mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalahaKaydinta agabka maaliyadeed
  • Dajinta qaabdhismeedka haga adeegyada soo iibinta agabka
  • Soo iibinta agabka wasaaradda u baahan tahay
  • Keydinta iyo ilaalinta documentiga (archive)
  • Diiwaan gelinta dhamaan agabka iyo hantida wasaaradda
  • Ka qayb qaadashada Guddiga Qandaraasyada iyo xaraashka
  • Diyaarinta warbixin maaliyadeed
  • Maareynta qandaraasyada wasaaradda soo gala ama ka baxa
  • Horumarinta, qorista iyo qiimeynta shaqaalaha
  • Dhisidda qaab howl-gal (operations) oo tayo leh
  • Horumarinta istaraatiijiyadda Waaxda Shaqaalaha.
  • Wacyi gelinta shaqaalaha cusub
  • Diyaarinta habraaca shaqaalaha cusub
  • Siyaasadaha iyo shuruucda shaqaalaysiinta iyo doorashada.
  • Warbixinta shaqaalaha ee dhanka waxqabadyada iyo imaanshaha.
  • Horumarinta maareynta waxqabadka shaqaalaha.
  • Diyaarinta baahiyaha waxbarasho ee shaqaalaha.
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

5.      Xafiiska Imtixaanaadka iyo shahaadooyinka.

  • Kala taliso Wasaaradda arrimaha ku saabsan qiimaynta( assessment issues)
  • Dib u fiirinta, asixinta iyo dhaqan galinta xeer nidaamiyaha Imtixaanaadka iyo Shahaaddoyinka
  • Qorsheynta iyo Maamulka Imtixaanka
  • Dejinta Imtixaannada Dugsiyada (Sare oo kaliya soo maahan?)
  • Keydinta iyo Maamulidda Imtixaanka.
  • Qaadidda, ilaalinta iyo soo-ururinta Imtixaanka.
  • Sixidda iyo faafinta imtixaanka.
  • Dejinta qaab shahaadooyinka loo sameeyo, lagu ilaaliyo, laguna soosaaro.
  • Sameynta iyo qeybinta shahaadooyinka
  • Abuuridda qaab ardada gobollada shahaadoyinka loogu gudbiyo si fudud oo ilaashan
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

6.       Horumarinta Macallimiinta

  • Diiwaan galinta macalimiinta tababaran
  • Ku qoridda macalimiinta la shaqaaleeyo dugsiyada dowladda
  • Dalacsiinta iyo badalidda macalimiinta
  • Kala taliso dowladda heer qaran arrimaha la xiriira takhasuska macallinimada
  • Si joogta ah u daraasayso tirada macallimiinta baahida loo qabo iyo tirada diiwaan gashan
  • Dejinta qaab lagu horumariyo tayada macallimiinta
  • Soosaaridda iyo keydinta agab macallimiinta lagu horumariyo
  • Dajinta hannaan lagu maamulo macallimiinta ( qodobada a, b and c waxay soo hoos gali karaan qodobkaan) ka
    fakara??
  • Dejinta halbeeg macallinimada lagu dhiso
  • Diyaarinta rukhsada macallinimada qaranka
  • Abuuridda hannaan lagu qiimeeyo macallimiinta
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

7.      Waaxda Isku xirka Dowlad Goboleedyada & Hey’adaha

  • Dejinta hab raac lagula shaqeeyo Dowlad Goboleedyada
  • Dejinta hab raac lagula shaqeeyo hey’adha
  • Uruurinta, keydinta iyo dabagalka xogaha ay soo gudbiyaan Dowlad Goboleedyada iyo hey’adaha
  • Taakuleynta EMIS si xog hufan oo tayo leh loo helo
  • Hogaaminta hab raaca hoos u dejinta maamulka waxbarashada
  • Xiriirinta WWHTS iyo wasaaradaha waxbarashada Dowlad Goboleedyada.
  • La socodka baahiyaha waxbarasho ee Dowlad Goboleedyada.
  •  Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

 

8.      Waaxda Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha

  • Dejinta iyo dhaqan galinta siyaasadda Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha
  • Ka talo bixinta muqarrarka Waxbarashada Dadban
  • Dhiirri-galinta iyo faafinta Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha
  • Dejinta hab raac lagu qiimeeyo ardeyda Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha
  • Dejinta hab raac faahfaahinaya fursadaha Tacliinta sare ee u furan ardeyda
  • Dhisitaanka xiriir iskaashi oo lala yeesho ganacsatada si loogu meeleeyo ardeyda
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

 

9. Waaxda Hay’adaha Tacliinta Sare

  • Isku xirka Wasaaradda iyo Jaamacadaha
  • Ka shaqeynta Siyaasad iyo istaraatiijiyad wax ku ool ah oo lagu kaabayo cilmi-baarista iyo
    teknoolojiyadda.
  • Horumarinta Taclinta sare ee dalka.
  • Hogaaminta, maamulka iyo horumarinta Hey’adahaTacliinta Sare ee dowladda
  • Diiwaan gelinta hay’adaha Tacliinta Sare
  • Qiimeynta iyo shahaadooyinka iyo tasdiiqintooda.
  • Isku xirka Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda.
  • Horumarinta Hal-abuurka.
  • Horumarinta iyo uruurinta xogta cilmi-baarista dalka.
  • Dhiirigelinta Xarumaha Cilmi-baarista
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

10. Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Deeqaha Waxbarashada

  • Dejinta Xeer nidaamiye waafaqsan Sharciga Waxbarashada
  • Ka warheynta iyo taakuleynta ardeyda dibadda wax ku barata
  • La socodka iyo howlgalinta Wakiillada Waxbarashada ee dibadda ku nool
  • Dhisidda xiriir wanaagsan oo lala yeesho bahda Tacliinta Sare ee Caalamka
  • Raadinta deeqo waxbarasho oo ku salaysan baahida dalka
  • Hoggaaminta maamulka deeqaha waxbarasho
  • La shaqeynta Guddiga Deeqaha Waxbarashada Qaran
  • Qaybinta deeqaha waxbarashada si ku dhisan qorshe cad, caddaalad iyo daah-furraan.
  • Ula shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.