Ayadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa;

1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;

2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020;

3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada.