Nagu Saabsan
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
TAARIIKHDA WASAARADDA WAXBARASHADDA, HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE
Markii u horeysay ee Wasaaradda Waxbarshada waxaa la aasaasay Sanadii 1960tii xukuumadii allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaake, ayadoo markaas ahayd kaliya Wasaaradda Waxbarashada, Waxaana Wasiir loogu Magacaabay Mudane Cali Garaad Jaamac.
Muddo 10 sanno kadib ayadoo ay jirto Wasaaradda Waxbarshadda, waxaa soo kordhay Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare oo markeedii u horeysay la Magacaabay Dowladii kacaanka, Waxaana Wasiir loogu Magacaabay Mudane Shariif Saalax Maxamed. Dagaalkii sokeeye Waxay sababeen in Wasaaradaha ay noqdeen kuwo kari waayay inay qabtaan shaqooyin koodii waxayna ka mid noqdeen, balse booskoodii ay bulshada soomaliyeed dad ka mid u istaageen oo iskoolo iyo jaamacado dhisay gacantana ku haayay.
shirkii nabadaynta qaran ee lagu aas-aasay dawlad qaran oo ku meel gaar ah (TNG) taas oo ka dhacay Wadanka jibuuti Sanadii 2000, waxaa suuro gashay in xukuumad lagu dhiso halkaas, kadibna Wasaarada Waxbarshadda iyo Wasaaradda Tacliinta Sare ay ka mid noqoto Wasaaradii la magacaabay, oo dib hawlgalkoodi u bilaabatay.
Labadda Wasaaradood ee Waxabarashadda iyo Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxaa markii u horeysay hal Wasaarad laga dhigaay Xukumadii Raysal Wasaare Mohamed Cabdulaahi Farmaajo ee 2010, ayadoo Wasiir loogu Magacaabay Cabdinor Shiikh Maxamed.Waxaase xusid mudan in xukumadii Cabdi Faarax(Shirdoon) ee 2012 ay jirtay Wasaarada hormarinta Adeega bulshada oo Wasiir loogu magacabay Maryan Qaasim, iyadoo markaas Wasaaradda Waxbrashada ay ahayd Waax ka tirsan Wasaaradaas.

Masuuliyadaha
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare
Shaqada wasaaradda waxaa laf-dhabar u ah in ay bixiso waxbarasho iyo tababarro tayeysan si ay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ugu gudbiso hawlwadeenno xirfad leh, iyo in ay dhiirrigeliso koboc dhaqaale, hal-abuur, midnimo qaran iyo nabadeyn.
Hiigsiga & Himilada
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare

Hiigsiga Wasaaradda
Dhisidda nidaam waxbarasho oo casriyeysan, tayo leh una adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, nidaamkaas oo bixiya fursado loo simanyahay, dhiirra-geliya ixtiraamka xuquuqda aadanaha, kuna saleysan mabaadi’da Islamka.

Himilada Wasaaradda
Wasaaradda himiladeedu waa in ay fududeyso, hagto, bixiso, oo isku dubbariddo waxbarasho tayeysan, marinkeedu dadka u wada furanyahay, oo dhiirra-gelisa is- dhexgal qaran, caddaalad bulsho iyo horumarka Somaaliya
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Afgoe Road KM5,
Mogadishu, Banadir, Somalia
[email protected]
+252619444419