Waaxda Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha

 

HIIGSI

Waxbarasho Dadban oo hormarsan & xirfadlayaal ka qayb qaata hormarinta dalka & dadka, daboolana baahidooda dhaqan-dhaqaale.

HIMILO

Si kor loogu qaado wax soosaarka dalka, waxaa naga go’an in aan abuurno waxbarasho dadban & xirfado tayo leh oo ka turjumaya baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee dalka.

HADAF

Si lo gaaro hiigsiga kor ku xusan waa in:

  • La soo saaro xirfadlayaal si wax tar leh uga qayb qaadan kara horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dalka.
  • La dejiyo nidaam & siyaasad lagu hago waxbarashada farsamada gacanta & xirfadaha
  • La abuuro lana taaba galiyo hanaan lagu hormariyo waxbarshada dadban ee dalka

 

                                                                          Waajibaadka Waaxda.

Waaxdan ayaa u xilsaaran horumarinta iyo dhiirri-galinta Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha; ayada

ayaana ka maas’uul ah dejinta nidaam qeexa qaybaha waxbarashada iyo waddooyinka aqooneed ee u furan ardeyda dhammeysa Waxbarashada Dadban iyo Xirfadaha. Waaxda waxaa hoos yimaada laba qaybood oo kala ah:

Qaybta Waxbarashada Dadban

  1. Dejinta Qorshe hawleedka Qeybta oo ku salaysan qorshaha guud ee wasaaradda.
  2. Maamulka iyo maareynta qaybta Waxbarashada Dadban
  3. Dejinta iyo dhaqan galinta siyaasadda iyo istraatijiyada Waxbarashada Dadban
  4. Ka talo bixinta Manhajka iyo muqarrarka ku haboon Waxbarashada Dadban
  5. Dib u hawl-galinta xarumihii waxbarashada Dadban.
  6. Ka qeyb-qaadashada shaqada waaxda iyo hawlaha kale ee wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah

 

Qeybta Xirfadaha

  1. Dejinta Qorshe hawleedka qeybta oo ku salaysan qorshaha guud ee wasaaradda.
  2. Maamulka iyo maareynta qaybta Waxbarashada Xirfadaha.
  3. Dejinta iyo dhaqan galinta siyaasadda Waxbarashada Xirfadaha
  4. Dhiirri-galinta iyo faafinta barashada Xirfadaha
  5. Dejinta hab raac lagu qiimeeyo ardeyda Waxbarashada Xirfadaha
  6. Dejinta hab raac faahfaahinaya fursadaha Tacliinta sare ee u furan ardeyda Xirfadaha
  7. Dhisidda xiriir iskaashi oo lala yeesho ganacsatada si loogu meeleeyo ardeyda qalin jabisa
  8. Diiri-galinta xirfadaha iyo farsamooyinka dalku u baahanyahay
  9. Dejinta iyo dhaqan-galinta siyaasad iyo xeer nidaamiye lagu hago waxbarashada xirfadadaha
  10. Dejinta halbeeg lagu qiimeeyo xirfadaha dalka
  11. Dib u hawl-galinta xarumihii waxbarashada Xirfadaha.
  12. Soo jeedinta Dhisidda Guddiga qiimaynta shahaadooyinka xirfadaha
  13. La shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah

 

 

 

 

 

 

DEPARTMENT   STRUCTURE OF (TVET & NFE)

Warbixin dheeraad ah la xiriir:

Waaxda Xirfadaha & Waxbarashada Dadban

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare

KM5 Afgoie Rd, Mogadishu, Somalia

Telephone: 252615101690

Email: tvet@moe.gov.so