Waaxda Xariirka Dawlad Goboleedyada & Isku Duwida Hey’adaha

WAAJIBAADKA KA WAAXDA

 

Waaxdu Waxa Ay Si Guud Ugu Xil Saaran Tahay Dejinta Iyo Hirgelinta Qaab Hufan/Haboon Oo Lagu wada Shaqayn Karo Dawlad Goboleedyada Iyo Hey’adaha Waxbarshada. Waaxdu Waxa Ay Si Gaar Ah Uga Shaqayn Doontaa isku xirka/duwid wadajirah iyo lasocodka dhamaan barnaamijyada/mashaariicaha waxbarsho ee Dawlad Goboleedyada Iyo Hey’adaha.

 

Hadafka Guud Ee Waaxda;

o   Isku dubaridka nidaam wada shaqayneed ee wasaarada dhexe, wasaaradaha dawlad goboleedyada iyo hey’adaha waxbarashada;

  • Wadaaga macluumaadka barnaamijyada/mashaariicda, xaaladda hirgelinta, horumarinta iyo xalinta daldaloolada dhinacyada daneeyayaasha ah.
  • Hubinta is-waafajisnaanta iyo isuduwidda qorshayaasha waxbarashada;

o   Dabagalka barnaamijyada/mashaariicda iyo kormeerka hawlaha waxbarashada;

 

Waaxdu Waxa ay ka Kooban tahay labo qaybood oo muhiim ah Oo Kala Ah:

(1) Qaybta Xiriirka Dawlad Goboleedyada,

(2) Qaybta Isku Xirka Hey’adaha

 

  1. Qaybta X. Dowlad Goboleedyada
  • Dejinta qorshaha qaybta Waaxda iyo kan Wasaaradda ee guud.
  • Maamulka iyo maareynta qaybta Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha
  • Uruurinta, keydinta iyo dabagalka xogaha ay soo gudbiyaan Dowlad Goboleedyada iyo hey’adaha.
  • Taakuleynta EMIS, si xog hufan oo tayo leh looga helo Dowlad Goboleedyada
  • Hogaaminta hab raaca hoos u dejinta maamulka waxbarashada
  • Dejinta hab raac lagula shaqeeyo Dowlad Goboleedyada
  • Xiriirinta WWHTS iyo wasaaradaha waxbarashada Dowlad Goboleedyada.
  • La socodka baahiyaha waxbarasho ee Dowlad Goboleedyada.
  • La shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.

 

  1. Qaybta X. Hay’adaha
  • Dejinta qorshe ku salaysan ka Waaxda iyo ka Wasaaradda ee guud.
  • Maamulka iyo maareynta qaybta Xiriirka Hay’adaha
  • Dejinta habraac lagu maamulo arrimaha Hay’adaha
  • La shaqaeynta, kormeerka iyo dabagalka arrimaha Hay’adaha
  • Xiriirinta WWHTS iyo laamaha waxbarashada daneeya ee hay’adaha.
  • La shaqeynta waaxaha wasaaradda si hufan, oo hagar la’aan ah.