Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ayaa maanta si rasmi ah loogu soo xiray Xarunta KM4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa lagu bogaadiyey dadaalka ardayda, macallimiinta iyo dhammaan masuuliyiintii ka qeybqaadatay hirgelinta imtixaanka, iyadoo la xusay muhiimadda uu imtixaankani u leeyahay tayeynta waxbarashada iyo dhismaha mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.








