

KUSOO DHAWOW
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
Waxbarashada Aasaasiga ah
Waxay horumarisaa dugsiyada hoose, dhexe, sare, Qur’aanka, iyadoo kor loo qaadayo manhajka, tayada barista iyo helitaanka waxbarasho loo siman yahay
Waxbarashada Tacliinta Sare
Waxay horumarisaa jaamacadaha, machadyada sare, cilmi-baarista iyo tayada barnaamijyada tacliinta sare, iyadoo xoojinaysa aqoonsiga iyo qiimeyn
Waxbarashada Farsamada & Xirfadaha
Waxay dhalinyarada iyo bulshada siisaa xirfado shaqo, tababarro farsamo iyo aqoon la jaanqaadaysa baahiyaha suuqa shaqada

Hoggaaminta Waxbarashada Qaranka
- Ku saabsan
- Himiladeenna
- Aragtideenna
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay hoggaamisaa horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo dejisa siyaasado, kobcisa tayada waxbarashada, isla markaana taageerta ardayda, macallimiinta, dugsiyada, jaamacadaha iyo bulshada Soomaaliyeed.
- Dejinta siyaasadaha waxbarashada qaranka
- Horumarinta tayada waxbarashada iyo manhajka
Himiladeennu waa in la xaqiijiyo helitaan waxbarasho tayo leh, loo dhan yahay, cadaalad ku dhisan, lana gaarsiin karo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo macallimiinta, manhajka, maamulka waxbarashada, hiddaha, cilmi-baarista iyo tacliinta sare.
Aragtideennu waa in Soomaaliya yeelato nidaam waxbarasho casri ah, tayo leh, tartan geli kara, kana qayb qaata horumarka bulshada, dhaqaalaha, nabadda iyo dhismaha qaranka.
- Nidaam waxbarasho casri ah
- Jiil aqoon iyo xirfad leh
- Horumar bulsho iyo qaran dhisid



DUGSIYADA DALKA
ARDAYDA DIIWAANGASHAN
MACALLIMIINTA
CARRUURTA KA MAQAN WAXBARASHADA


HORUMARINTA WAXBARASHADA
Helitaan Waxbarasho
Waxbarasho loo siman yahay oo gaarta dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Tayo iyo Manhaj
Manhaj casri ah, qiimeyn hufan, iyo nidaam waxbarasho oo tayo leh.
Macallimiin La Xoojiyay
Tababar, taageero iyo horumarin joogto ah oo loo sameeyo macallimiinta.

Wararkii Ugu Dambeeyay
Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025–2026
Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ayaa maanta si rasmi ah loogu soo...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle
Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo...
Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo La Wareegay Adeegyo Muhiim ah.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare...







