Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo La Wareegay Adeegyo Muhiim ah.
Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare adeegyo muhiim ah oo hore uga tirsanaa Agaasinka Tacliinta Sare.
Adeegyada la wareejiyey waxaa ka mid ah maamulka Nidaamka Xogta Tacliinta Sare (HEMIS), tasdiiqinta shahaadooyinka, diiwaangelinta hay’adaha tacliinta sare iyo maamulka faylasha la xiriira hay’adaha tacliinta sare ee dalka.
Munaasabadda wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare, xubno ka tirsan Guddiga iyo wakiillo ka socday Xafiiska Hantidhawrka Guud.
Wareejintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, tayada iyo habsami-u-socodka adeegyada tacliinta sare ee dalka.








