Nagu Saabsan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Kusaabsan Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya (MoECHE) ayaa mas’uul ka ah waxbaridda iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxa ay sannadihii u dambeeyey xoog badan gelisay si ay u kobciso awooddeeda iyo in ay fuliso ujeeddadeeda iyadoo la hormarinaayo Siyaasado iyo Xeerar ka caawinaya maamulka iyo in waxbarashada dalka oo dhan la gaarsiiyo.

Hiigsiga & Himilada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare

Hiigsiga Wasaaradda

Dhisidda nidaam waxbarasho oo casriyeysan, tayo leh una adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, nidaamkaas oo bixiya fursado loo simanyahay, dhiirra-geliya ixtiraamka xuquuqda aadanaha, kuna saleysan mabaadi’da Islamka.

Himilada Wasaaradda

Wasaaradda himiladeedu waa in ay fududeyso, hagto, bixiso, oo isku dubbariddo waxbarasho tayeysan, marinkeedu dadka u wada furanyahay, oo dhiirra-gelisa is- dhexgal qaran, caddaalad bulsho iyo horumarka Somaaliya

Hogaanka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Hon Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji

wasiirka

Hon Abdirahman Mohamud Abdulle

wasiru dowle

Hon Marwo Nuuriya Aadan Ciise

wasiir kuxigeen

HE Mr. Mohamed Abbi Hassan

agaasime guud