Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayay xilalka kula kala wareegeen Wasiirka cusub Mudane Farah Sheikh Abdulqadir iyo Wasiirkii hore Mudane Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa tilmaamay ahmiyadda ay wasaaraddani u leedahay dalka, isagoo sheegay in wasiirka cusub looga fadhiyo shaqo culus oo muuqata. Waxuuna ammaanay isbeddelka muuqda ee Wasaaradda uu ka sameeyey wasiirkii hore ee xilka wareejiyey.

Daawo Sawirada

Previous slide
Next slide